Maclumaad Ku Saabsan Robin

Robin Wonsley waa Xubinta Golaha Deegaanka ugu hore ee Madaw oo na Dimoqraatiga Hanti Wadaaga ee Minneapolis. Iyadoo markii ugu hore la doortay 2021, Robin ayaa matashaa Ward 2, taasoo ay ku jiraan Cedar-Riverside, Como, University, Prospect Park, iyo xaafadaha Seward ee bariga Minneapolis. Robin ayaa ah kireyste, qaban qaabiyaha shaqaalaha, iyo ardayad ka qalin jabisay jaamacadda UMTC.

Intaan la isoo doortay oon xafiiska galay ee 2022 iyo maanta, waxaan yeeshay sumcadda qofka iskaashiga la sameeyo xubnaha golaha anigoo kale, saraakiisha magaalada, iyo xubnaha bulshadda anigoo ka dadaalaayo isbedelo oo uga faa’ideyn karo dadka shaqeeya ee reer Minneapolis. Waxaan ku faraxsanahay waxyaabaha aanu ku guuleysannay kuwaasoo ka mid ah:

  • Inaanu ka hogaamiyay xubnaha kale oon isla shaqayno inaanu qoondeyno $700,000 xagga caawimaadka ganacsiyadaha yaryar ee la xiriiro dhaqamada oo ay samayn ku yeelatay xasilooni darrada dadka ee 2020-gii

  • Inaanu ka dadaalay ka hawlgelinta dheeraadka ee dadwaynaha ku yeesheen wada hadalada qandaraasyada booliska, taasoo sababtay kulamo wargelinta dadwaynaha oo marka ugu hore ka dhacay magaalada

  • Qoondeynta lacagta qaybta ugu dambeysay ee $1.2 milyan loga baahnaa in lagu rakibo qalabka biyaha rusheeyo kuwaasoo lagu rakibaayo dhammaan 42 dabaq ay leedahay ay na maamusho Minneapolis Public Housing Authority (Maamulka Gurisiinta Dadwaynaha ee Minneapolis)

Mudnaantayda waqti xaadirkan waa arrimaha dadkii aan matalo ee Ward 2 arrimaha ay ii sheegaan inay ugu muhiimsan yihiin iyaga, iyo arrimaha Golaha Deegaanka uu awood ugu leeyahay inuu isbeddel micno leh inuu ka sameeyo.

Cadaaladda Bay’adda

  • Inaanu sii wado inaanu horumariyo Lacagta Dadwaynaha ee Cimilada iyo Sinaanta iyo inaanu xaqiijiyo in Golaha Deegaanka Minneapolis ay si geesinimo ka muuqato u maalgeliso mustaqbal cagaar badan leh taasoo lagu gaaraayo khidmada Diiwaan Gelinta Sanadlaha ee Xakamaynta Wasqaynta Bay’adda (PCAR). Lacagtan oo sharci ku ilaashan waxay xaqiijin in qof walba uu soo galo xafiiska midkuu noqdaba, Minneapolis wali inay si dadaal badan u taageeri doonto u adkaysiga isbedelka cimilada, maal gelinta dayactirka lagu samaynaayo xaafadaha inta ugu badan ay saamaaysay wasaqaynta hawada, iyo ka gudubka cadaaladda leh. 

  • In looga baahdo dhammaan dhismooyinka cusub inay fuliyaan shuruuda wasaqaynta guud ee eber. Intaan kobcinayno dhaqaalaha cagaaran, waa inaanu kala shaqayno wakaaladaha dawladda gobolka iyo federaalka sida aanu ku heli lahayn hababka halabuurka leh aanu ku maalgelin karno dib u qaabaynta qotoda dheer ee tamarta guriyaha hadda dhisan, taasoo ku jirto in la xaqiijiyo in tamartooda ay ka imaado boqolkiiba 100% tamarta dib loo cusbooneysiin karo.   

  • Taageeridda deriskeena East Phillips iyo aragtida aayaha ay u leeyihiin beerta magaalada. Qof walba ayaa xaq u leh bay’ad caafimaad qabto iyo inay diidaan waxyaabaha wasakhaynaayo bay’adda ee xaafadooda.

  • U balaarinta dadka shakhsiga degan magaalada barnaamijyada geedaha ee Magaalada  iyo dhakhsiinta dib u abuurka geedaha oo waliba xaafadaha ay dhaabacday cayayaanka emerald ash borer iyo duufaanka Waqooyiga Minneapolis ee 2011.

  • Si waditaanka taageerka Twin Cities Boulevard ee lagu samaynaayo Guddiga la Talinta Xeerka Dib uga Fakirka I-94 sifo loo hagaajiyo hawo caafimaad badan leh, fursado cusub ee dhaqaale iyo wadooyin ah iyo in la bilaabo in dib loo saxo saamaynta daran dhismaha wadooyinka wayn ku yeesheen bulshadaha Madaw ee Twin Cities.

Sinaanta xaga Socdaalka

  • In dib logu celiyo wadooyinkeena dadka socdo, dadka bayskiilka wado, iyo bulshadeena iyadoo la maalgelinaayo dhismaha, kuwaasoo ku jiraan wadooyinka basaska 24/7 loo qoondeeyey, wadooyinka geeska ee socodka logu talagalay ay dadka laxaad la’aanta qabo isticmaali karaan, barnaamijka balaarinta bayskiilada qaybsiga leh iyo wadooyin dadka bayskiilka ah keli loo ilaaliyo.

  • U balaarinta lacag siinta barnaamijka Nabadgeliyada Wadada ee Xaafadda. Dadka deegaanka wadooyinkooda si fiican bay u yaqaanaan waxay na ogyihiin waxa ay wadada u baahan tahay in laga qabto sifo loo wanaajiyo nabadgeliyada dadka socdo xaafadohooda. 

  • Wada kaashiga ururada iyo kooxaha bulshada sifo loo helo maalgelinta shaqaalaha loo baahan yahay sifo loo kordhiyo isticmaalka soo noqnoqdo ee gaadiidka dadwaynaha iyo in loga dhigo gaadiidka bilaash dhammaan isticmaaleyaalka.

  • Hirgelinta barnaamijka falidda wadooyinka geeskooda. In mudnaan la siiyo nadiifinta dhulka gaaraayo ilaa 300 mayl ee wadada geeskeeda oo inta badan isticmaalaan dadka socdaan iyo dadka gaadiidka isticmaalo taasoo lagu samayn karo isugeynta shaqaalaha Shaqooyinka Dadwaynaha, qandaraasyo lala yeesho ganacsiyada deegaanka iyo ururada xaafadaha iyo barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarta.

Hoysiinta Dhammaan

  • Marinta sharciga xakamaynta kirada oo ku xadidaayo kordhinta kirada guriyaha 3% oon lahayn wax ka baxsan sifo logu ogolaado in dariska ay weli ku jiraan guriyahooda. Sharci walbo oo xakameeyo kirada ma ahan xakamaynta kirada.

  • In la awood siiyo dib u galitaanka guriyaha hadii qofka mulkiilaha uu doorto inuu iibiyo guriga taasoo lagu samaynaayo marinta Sharciga Fursada Kireystaha uu Ku Iibsado Guriga (TOPA). Bulshadeheena waxay xoog leeyihiin markii deriskeena oo kirada ugu jiri ay awood u yeeshaan inay maalgeshi ku sameeyaan gurigooda.

  • Marinta Sharciga Ka Saaridda Kireystaha Cadaaladda leh waayo kireysteyaalka waxay xaq u leeyihiin inay helaan kalsooni inay ilmohooda ku korin karaan guriyahooda iyagoon cabsi qabin markuu gabagaba noqdo xiliga kirada ee sanadka walba.

  • Balaarinta iyo dib u qaabaynta Diiwan gelinta Guriga Bannaan (VBR tusaale khidmadda bannaanida) sifo logu daro dhulalka iyo guriyaha ganacsiga iyo kuwa shakhsi oo bannaan. Mulkiileyaasha ganacsi oo ay ku qaadatay tobaneeyo sano inay iibsadaan guriyo raqiis ah oo na hadda inay bannaanaadaan u dhaafo intay ku kireyn lahaayeen qiimo jaban.

  • Taageeridda Maamulka Gurisiinta Dadwaynaha ee Minneapolis Public Housing Authority iyo Guddiga Qiyaasidda iyo Canshuuridda inay aasaasaan Canshuurta Guriyaha Dadwaynaha. In la waayo go’aanka mise niyadda siyaasi ayaa sababtay in 7000 oo qoys ay ku jiraan liiska dadka sugaayo iyo lacag dhan $200 milyan ee dayactirka daahay sifo loo xaqiijiyo in dadka deggan guriyaha dadwaynaha ay u yeeshaan guriyo nabadgeliyo iyo nadaafad leh. 

  • Mudnaanta la siiyo raasumaalka Magaalada oo lagu dhiso guriyo la awoodi karo iyo bulshooyin firfircoon taasoo lagu samaynaayo in la maalgeliyo mashruucyada keli oo si joogto ah ugu noqon doonto kuwa la awoodi karo dadka deggan, kordhinta qiyaasta maalgelinta guriyaha oo lagu bartilmaamaayo dadka deegaanka oon guri haysanin iyo in la xaqiijiyo in dhulalka ay leedahay Magaalada la iibiyo iyo in lagu dhiso guriyo oo kobcinaayo xaafadaha.

  • Joojinta saaridda dadka degginada kusoo guuray. Qofna ma aaminsano in meelaha la iskagasoo guuray inay yihiin meelo munaasab u ah dadkeena deegaanka ugu nugul, laakin in xoog looga saaro degginaadaasi waxay keli ah u raraysaa dadkaasi deggino cusub ee magaalada dhexdeeda taasoo galayso na malaayin doolar oo hadana xal keeneynin.

  • Hirgelinta xalka “Hoysiinta marka hore” ee dadka hoy la’aanta ah iyadoo la isla kaashanaayo Maamul Goboleedka Hennepin, wakaaladaha gobolka, iyo hay’adaha aadanaha sifo logu raadiyo dadka deegaanka aan hoyga haysanin guriyo joogto ah iyo in la siiyo adeegyada lagu taageeraayo oo loo baahan yahay sifo guul loga gaaro taasi. 

Nabadgeliyada Dadwaynaha ee Booliska Dhaafsan

  • In lasii wado in lala shaqeeyo xirfad yaqaaneyaalka bulshadda iyo qaranka sifo loo balaariyo doorka adeegyada amniga dadwaynaha ee hub la’aanta.

  • Balaarinta Lacagta Ka Hortagga Rabshadda iyo hirgelinta miisaan dejinta ka qayn yeelka leh ee habka lacagaha loo qoondeeyo. Bulshooyinka oo aadka ay u saamaysay rabshadda waa inay miiska go’aanka lagu gaaraayo fadhiyaan sifo ay u hogaamiyaan oo na u helaan raasumaalka.

  • Abaabulka Mashruuca Adeega Dhibbanaha sifo loo taageero dadka deegaanka ka dib markay la kulmaan arrimo naxdin leh.

  • Balaarinta barnaamijka bedelitaanka jihada ee Magaalada iyo la kaashiga Hennepin County sifo loo kordhiyo raasumaalka loo qondeynaayo dhalin yarta oo halista wayn ugu jiro inay galaan dembiga iyo xabsiga.

  • Balaarinta barnaamijyada oo taageero dadka deegaanka oo aad u saamaysay rabshadda xabadda, taasoo ay ku jirto adeegyada dib u habaynta jirka, taageeraha caafimaadka maskaxda, iyo lacagaha loga guuro goobta.

Awooda La Xisaabtanka MPD

  • Qandaraaska ururka booliska ee hadda wuxuu sabab u yahay waax boolis oo si fiican u shaqaynin oo na lala xisaabtamin. Wada hadalka qandaraaska soo socda waa in loga hadlo:  

    • Joojinta saamiga shaqaalaynta 70/30: Rasumaalka amniga dadwaynaha waa in lagu saleeyo baahiyada amniga dadwaynaha oo jira, ma ahan nidaam oo abuurto wadooyin logu niyooday in loga baxsado la xisaabtanka.

    • Jadwalaynta Sinaanta leh: in laga saaro qaybaha qandaraaska oo xadido shaqaalaynta goorta xogta ay muujinayso in shaqada booliska aadka logu baahan yahay.

    • La arki karo, oona u furan kulamada wada hadalka dadwaynaha.

  • In la joojiyo Heshiisyada Dib u Iibsashada. Tani canshuur labaad ayeey ku tahay dadka shaqeeyo waxay na taageerta fakirka in lacag keento in wax walbo la heli karo. Raasumaalka dadwaynaha waa in marnaba loo wareejinin danaha shakhsiga.

  • Hirgelinta xeerka innaba loo dulqaadanin askari walba ee MPD oo xubin ka ah hay’adaha aaminsan in caddaanka ka sareeyaan dadka kale iyo in la mamnuuco Xariiqda Dhuuban ee Baluuga ee dhulalka dadwaynaha.

  • In la mariyo sharciga kormeerka kaamerada sifo loo joojiyo ballaarinta teknoologjiga kormeerka booliska oo hadda socoto iyadoon ra’yi mise kormeer bulshad laga qayb yeelin.

U Xoojinta Dhaqaaleheena Deegaanka Ganacsiyada iyo Shaqaalaha

  • In lagu ilaaliyo ganacsiyadeena xaafadaha ay u adeegaan: In la mariyo Sharciyada Xakamaynta Kirada Ganacsiga iyo Ogeysiinta Hore ee Iibka Ganacsi iyo in la taageero abaabulka Kaydka Hantida Ganacsi  .

  • Abaabulka bangi golaha deegaanka leeyahay sifo loo siiyo daynta iyo awooda helitaanka daynta ganacsiyaalka deegaanka, u bedelidda jeega lacag caddaan iyo adeegyada maaliyeed dadka deegaanka, taageerka mashruucyada sida wada jirka loo leeyahay iyo dhimmidda heerarka ribada la siinaayo Magaalada.

  • U balaarinta helitaanka wadooyinka shaqooyinka mustaqbal ee Magaalada Minneapolis ee lagu bartilmaamaayo dadka Madow iyo midibka Kafega leh oo deggan Minneapolis.

Xuquuqda Shaqaalaha

  • In la joojiyo arrinta daahday ee bixinta aqoonsiga golaha magaalada dadka deggan magaalada aan warqadaha haysanin.

  • In la xakameeyo Uber iyo Lyft. Dareewaliinta waxay xaq u leeyihiin mushaar ay ku noolaadaan, amniga goobta shaqo oo korodhay iyo ilaalimo sharciyeed.

  • In si buuxdo oo maalgeliyo barnaamijyada dhaqangelinta wadajirka ah sifo loga ilaaliyo shaqaalaha marxaladaha shaqada ee halista leh iyo in laga boobo mushaarkooda.

  • In la xakameeyo khidmadaha maqaaxidaha iyo khidmada adeegyada sifo loo abaabulo in wax qarsoodi uu jirin ee shaqaalaha iyo macaamiisha dhexdooda.

  • Abaabulka xasiloonida iyo joogtaynta nolosha shaqaalaha taasoo lagu sameeyo sharci oo keenaayo jadwal abaabulka cadaaladda leh, hal maalin oo fasax in laga siiyo todobadii maalmood iyo xaq loo siiyo ay ku diidaan xiliyada furidda iyo xiridda ganacsiga.

Adeegyada Dadka Aan Matalo iyo Maamulka

  • In la dhiso waax si buuxdo loo maalgeliyo oo na loo shaqaaleeyey sifo loo ilaaliyo dimuqraasiga deegaanka ee maamulka Magaalada Minneapolis.

  • Hirgelinta miisaan dejinta ka qayb gelinta leh sifo ay dadka deegaanka si kasii wanaagsan u qaabeeyaan mudnaanta isticmaalka lacagaha Minneapolis.

  • Balaarinta xaqa codaynta ee doorashooyinka golaha magaalada loo balaariyo dhammaan dadka deggan, taasoo loo eegin xaaladda muwaddin.

  • In loo beddelo kiisaska arrimaha dadwaynaha saacadaha galabta iyo nasashada isbuuca sifo loo ogolaado ka qaybgal fudud ee dadka deegaanka ee go’aamaha muhiimka ee Magaalada.